Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta si rasmi ah u furay kulanka Kooxda Shaqada Arrimaha Haweenka ee Hawlaha Bani’aadantinimada, kaas oo looga hadlayay xoojinta doorka haweenka iyo bulshada nugul ee qorsheyaasha loogu diyaar-garoobayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani’aadantinimo ee ka dhalan kara.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in xilligan uu yahay waqti muhiim ah oo Soomaaliya ay u baahan tahay inay si wanaagsan ugu diyaar-garoowdo saameynta laga filan karo El Niño, iyadoo la xoojinayo qorsheyaasha ka hortagga musiibooyinka, diyaar-garowga iyo jawaab-celinta degdegga ah.
Kulanka waxaa ka qeybgalaya hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, hay’adaha samafalka iyo bah-wadaagta ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada, iyo ururrada u dooda isla markaana ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda haweenka.
Intii uu kulanka furayay, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa carrabka ku adkeeyay in saameynta isbeddelka cimiladu aysan si isku mid ah u saameyn dhammaan bulshada, balse ay si gaar ah ugu nugul yihiin haweenka, carruurta, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo dadka barakacayaasha ah.
Wuxuu sheegay in arrimaha jinsiga, ilaalinta bulshada iyo ka-qaybgalka dadka nugul ay muhiim tahay in lagu daro qorsheyaasha diyaar-garowga musiibooyinka laga bilaabo marxaladda hore, si loo hubiyo in jawaabaha bani’aadantinimo ay gaaraan dhammaan dadka u baahan taageerada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha Dowladda, Qaramada Midoobay, NGO-yada iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada, si loo helo qorshe mideysan oo wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah ee ka dhalan kara saameynta El Niño.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA wuxuu ku baaqay in la xoojiyo xog-wadaagga, iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha ay khuseyso, iyadoo si gaar ah loo xaqiijinayo ka-qaybgalka haweenka iyo bulshada nugul, si Soomaaliya ay u hesho jawaab-celin degdeg ah, isku-duwan oo waqtigeeda ku habboon marka ay soo baxaan saameynta El Niño.