SoDMA oo ku guulaysatay Doorashada xubin kamid ah xubnaha Maamulka Hay’adda ARC,

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya uga qaybgalay meertada 14aad ee shir waynaha sanadlaha ah ee looga hadlay ‘Maaraynta Khataraha Musiibooyinka’.

Maxamuud ayaa madasha la tagay dedaallada kala duwan ee Hay’adda SoDMA ay gelisay maaraynta musiibooyinka, ka falcelinta xaaladaha adag ee ka dhashay musiibooyinkaas iyo dedaallada kala duwan ee Hay’addu gelisay.

Shirkaan oo ay ku kulmeen 39 Dal oo xubno ka ah ururkaan qaybtiisa farsamada waxaana shir Guddoomiyay Agaasimaha waaxda Maaraynta Khataraha Musiibooyinka ee Hay’adda SoDMA Khadar Sheekh Maxamed Nuur.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee loosoo gaabiyo SoDMA ayaa ku guulaysatay doorashada xubin kamid ah xubnaha Maamulka Hay’adda ARC 3da sanno ee soo socota waxaana ku metali doonna maxamed Cumar Macallin (Wayaki).