SOMA Oo maanta xusay maalinta Xoriyadda Saxaafadda

3-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan, Sanadkan waxaa cinwaanku yahay Hubinta Awoodda Maamulada, Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga, Dabaaldegyada sanadkan 2018.

Munaasabado kala gedisan maalintan ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada qaar ee dalka, waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Wariyeyaal.

Mid ka mid ah Munaasabadahaasi oo ka dhacday Hotelka SYL ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee Somali Media Association SOMA, waxaana ka soo qeyb galay Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed, Madaxda Ururka SOMA, IMS FOJO, Agaasimeyaal Warbaahineed, Ururada Bulshada Rayidka, Wariyeyaal iyo xubno kale.

Inta ay Munaasabada socotay ayaa waxaa la qabtay laba doodood oo looga hadlayay Warbaahinta Baraha Bulshada iyo Waxtarka Madax Banaanida Warbaahinta, taasi oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah dadka Munaasabadda lagu casuumay.

Marka hore waxaa Munaasabadda hadal kooban ka jeediyay Axmed Ciise Guutaale oo ka tirsan Madaxda SOMA, wuxuuna sheegay ujeedka Munaasabadda laga leeyahay in ay tahay in la muujiyo Masuuliyadda Warbaahinta iyo Xoriyadeeda.

“Ujeedka SOMA ee Munaasabadan waa in la helo Warbaahin xor ah, si xor ah oo furan in loo hadlo ayay mar walba howshu tahay, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan warbaahinta Munaasabadan nagala soo qeyb gashay, Tifaftirayaasha maanta waxaa u yaalla su’aallo waa weyn oo la weydiinayo, lana rabo si hufan in ay uga jawaabaan.” Ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda, sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wasaaradda ay ku mashquulsan tahay sidii xiriirkooda loo adkeyn lahaa Warbaahinta, wuxuuna tilmaamay in ay rajeynayaan in dhawaan ay Baarlamaanka ansixiyaan xeerka Saxaafadda.

“Wasaaradda waxa ay ku howlan tahay isku xirka Warbaahinta Soomaaliyeed, innaga oo shirar ku kala qabanay qeybo badan oo dalka ka mid ah, taasi oo wadada u xaareysa fursad siinta xoriiyadda hadalka si akhlaaq ay ku jirto, waxaan markale ku amaanayaa warbaahinta dadaalka wanaagsan ee ay hayaan,” Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa u hamblayeeyay Wariyeyaasha Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay muujiyeen adkeysi iyo dada dheeri ah oo ay ku bixiyeen shaqadooda.

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka in ay ka go’an tahay in ay dhowrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadinka siinaya Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan ammaan u jeedinayaa wariyeyaasha iyo hawl-wadeennada saxaafadda Soomaaliyeed oo xusaya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda, Waxaad muujiseen adkaysi iyo dadaal dheeri ah oo aad ku bixiseen shaqadiinna, idinka oo duruufo adag ku shaqeeya, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in ay dhawrto xorriyadda hadalka oo ah xuquuq oo uu muwaadiniinta siinayo Dastuurka Kumeel Gaarka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sii labo-jibaartaan dadaalka aad ugu jirtaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida.