SOMA oo Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayay maalinta xog-helidda adduunka

Munaasabad uu soo qaban qaabiyay ururka warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ay qeyb ka ahaayeen madax ka socotay ururada NUSOJ, SWJ iyo SIMHA, islamarkaana lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xog-helidda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaabadan oo isugu jirtay dood wadaag iyo hadal jeedin ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir agaasimeyaasha warbaahinta qaar, wariyeyaal, qoraayaal, khubaro saxaafadeed, xubno ka socday ururada bulshada qaarkood iyo aqoonyahano.

Xoghayaha guud ee ururka SOMA ahna agaasimaha Idaaacadda Risaala Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa wuxuu sheegay hadii ay yihiin SOMA, SWJ iyo SIMHA inay go’aansadeen in maalintan ay xusaan, wuxuuna tilmaamay keliya xogta inaan looga baahneyn dowladda, balse ay qeyb ka yihiin bulshada rayidka.

“Keliya xogta loogam baahna dowladda, balse bulshada rayidka waxaa looga baahan yahay inay bixiyaan xogaha oo ay siiyaan warbaahinta, si bulshada ay uga war heyso, maxaa yeelay hadda warbaahinta way hormartay baraha bulshada ayaa aad loo isticmaalaa, mararka qaar waxa lagu baahiyaa warar been abuur ah, midaas ayaa loo baahan yahay in xaqiiqada loo helo, tusaale maanta wadooyinka qaar way xirnaayeen waa muhiim in la helo sababta ay u xirnaayeen, ugu dambeyn waxaan dowladda iyo bulshada rayidka ka codsanayaa in warbaahinta ay kala shaqeeyaan sidii ay xogaha ku heli lahaayeen”. Ayuu yiri Xoghayaha SOMA.

Farxiya Maxamed Khayre oo madax ka ah SWJ ayaa sheegtay warbaahinta Soomaaliyeed inaan lala barbar dhigi karin xogaha iyo ukuurgelidda marka laga hadlayo warbaahinta caalamiga ah, sababta ay sidaas u tahay ayay ku sheegtay in warbaahinta Soomaaliya loo soo diro wararka la xiriira madaxda dalka, iyada oo looga gaashaamanayo in warbaahinta dhanka xasaasiga ah ay ka eegaan hadalada madaxda.

“Warbahinteena lalama barbar dhigi karo warbaahinta caalamiga ah, tusaale warbaahinta wararka la xiriira madaxtooyada waa loo soo diraa, sababtoo ah wariyeyaasha inta badan wararka waxay ka fiiriyaan dhanka xanafta, qaladadka madaxda ayay buun buuniyaan, taasi ayaa sababtay in wararka loo soo tifaftiro la leeyahay qaata oo aan lagu aaminin xogaha”. Ayay tiri Farxiya Khayre.

Guddoomiyaha SIMHA Xasan Cali Geesey ayaa sheegay xogta la helayo ee la sii deynayo in lafteeda aad loo hubiyo, balse aysan aheyn wax kasta oo la arko in la sii daayo, aduunyada caadiga iyo Soomaalida sida xogaha loo kala helo ayuu sheegay inay aad u kala duwan yihiin, warbaahinta Soomaaliya ee hada xogaha ay u raadiso ayuu tilmaamay inay tahay mid ka baxsan sida caadiga ah ee la isla yaqiinay.

“Aduunyada caadiga ah iyo Soomaliya sida xogaha loo kala helo aad ayay u kala duwan yihiin, warbaahinta Soomaaliya qaabka ay hada xogaha u raadiso ma ahan sidii la rabay, golaha wasiirada ayaa shira, marka uu shirkooda idlaado ma jirto cid taqaana waxa hoose ee laga hadlay, masuul ayaa u imaanaya warbahinta oo hadal kooban siinaya, marka waa la gaari doonaa, annaga laftirkeena waxaa jira dad magaca nala wato oo na dhawacayo, waa inaan meel uga soo wada jeesanaa”. Ayuu yiri guddoomiyaha SIMHA.

Faarax Cumar Nuur oo ka tirsan NUSOJ ayaa yiri “Horta maalintan waxaan u maleynaa in la ansixiyay marka xog la waayay, annaga dowladdii hore ayaan ku soo garnay dowladdii hore xogta way bixin jirtay, warbaahinta dowladda waxaa laga sheegi jiray xogaha jira maalmaha soo socda, maanta wadooyinka waa la xiray ma jirin cid xog la siiyay, aan ku dadaalno sidii aan bulshada u siin laheyn xogaha, masuuliyiinta dowladda waa inay xogaha siiyaan warbahinta”.

Axmed Maxamuud Dhicisow oo ka mid ah qoraayaasha wargeysyada ayaa sheegay in TV-yada iyo Idaacadaha aysan xogaha ka helin sidaasi darteed marka warka uu uu waqti badan jiro inay qoraan, sidaasi oo ay tahayna aanan la aqrin, wuxuu sheegay wargeysyada in dadka ay wax baraan oo ay la mid yihiin macalimiinta.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay marka laga hadlayo xog-helidda inay jiraan dhibatooyin badan oo heysta bulshada, dhibaatooyinkaas ayuu sheegay in bulshada lagu tiriyo inay yihiin bulsho warka jecel oo aan raadin xogta rasmiga ah, midaas ayuu tilmaamay inay muhiim in wax badan laga bedelo.

Saalax Dheere ayaa sidan yiri “Xogta laga hadlayo ma ahan dhacdooyinka yar yare ee dhaca, madaxtooyada maanta maxaa ka socda waa in la raadiyaa xogteeda, lakiin yaanan ku mashquulin madaxweynaha ayaa maanta hadlay, taas xog ma ahan, warbaahinta laftirkeeda waxay leedahay eed ku saabsan inaanay si rasmi ah u raadin xogta ay u baahan yihiin, warbahinta hadii ay ku mashquulaan dhacdooyinka yar yar ka ah bulshada ma helayaan xogaha”.

Sanad walba marka la gaaro xilligan oo kale ayaa aduunyada waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee xog-helidda adduunka (International Day for Universal Access to Information IDUAI, 2018, iyada oo maalinkan uu aqoonsaday ururka UNESCO oo ka tirsan Qaramada Midoobay.