SOMA oo u dabaal degtay sanadguuradeedii 5-aad

Munaasabad balaaran oo lagu xusayay maalinta Raadiyaha Adduunka iyo sidoo kale Sanad guuradii Shanaad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Dalladda Warbaahinta ee SOMA ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Qaar ka mid ah Bahda Warbaahinta ee ku sugan Muqdisho, kuwa gobalada dalka qaarkood, ururada ka shaqeeya arimaha Saxaafadda iyo xubno matalayay ururada Bulshada Rayidka.

Ugu horeyn waxaa Munaasabadda ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee ururka Somali Media Asociation ee loo soo gaabiyo (SOMA) ahna sii hayaha xilka Xoghayaha guud Maxamed Cabdi Wahaab Cabdullaahi, waxa uu ka sheekeeyay tariikhda guud ee ururka (SOMA) waxyaabihi loo aas aasay iyo heerarka uu soo maray.

Sidoo kale Ustaad Sheegow oo ah rugcadaa saxafadeed oo ka soo qeyb galay Munasabadda ayaa waxa uu ka hadlay faa’idooyinka uu Raadiyaha uu u leeyahay bulshada .

13-kii bishii February ee sanadkii 2011-kii ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO waxa ay u aqoonsatay 13-ka bisha February in ay tahay maalinta caalamiga ah ee Raadiyaha ,kadib markii ay soo jeedisay boqortooyada dalka Spain.