Somaalida kudhaqan Dalka kenya oo kawalaacsan Go’aan Ka Soo Baxay Dowladda Kenya

Dowladda Kenya ayaa ayaa maalma ka hor ku dhawaaqday howlgal xooggan kaas oo lagu qab qabanayo dadka aan sharciga laheyn si loo musaafuriyo,waxaana go’aankaas ka walaacan soomaalida ku nool Magalada Nairobi.

Wasiirka Arrimaha dalka Kenya Mr Matiangi ayaa sheegay in howlgalka uu qaadan doono mudo saddex bilood ah,isla markaana cid walba oo aan sharcidaro ku joogta la musaafurin doono.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan islii ayaa isla dhexmaraya sida uu noqon doono howlgalka ka dhanka ah dadka aan u dhalan kenya ee ku nool Kenya iyo sida uu saameyn ugu yeelan doono.

Soomaalida qaarkood ayaa xasuusan saameyntii ku yeeshay howlgalkii Islii laga fuliyey sanadii 2014 kaas oo lagu musaafuriyey Soomaali farabadan oo mudo ku noolaa dalkaas.

Dhawaan ayaa sidoo kale Ciidamada Booliska Kenya waxa ay qab qabteen tiro muwaadiniin u dhashay dalka Nigeria kuwaas oo lagu eedeeyey in ay dalkaasi soo geliyaan muqaadaraad.