Somaaliland Oo Ka Jawaabtay Dacwadda Ay Soomaaliya U Gudbisay QM

Wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay ama galayso.

Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiirka, Sacad Cali Shire, waxaa kale oo uu kaga hadlay arrimo la xidhiira maamulka hawada.

Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala

Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World.

Warka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland ayaa ku soo aadaya xili weli uu taagan yahay khilaafka ka dhashay heshiiskii Saddex geesooka ahaa ee dhex maray Soomaaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World,heshiiskaas oo ay sharcidarro ku tilmaamtay dowladda Soomaaliya.