Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa Maanta ka furmay shirka 7aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkana looga hadlayo dagaalanka Musuq maasuqa.
Shirka waxaa isla shir-Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).
Soomaaliya waxaa Shirkaan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Shirka oo socon doonno maalmaha 9 iyo 10 Diseembar 2019 ayaa sidoo kale la filayaa in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu la kulmo Madaxda kale ee ka qeyb-galeysa Shirkaas.