Somaaliya Oo Qaramada Midoobey kacodsatay in laga Qaado cuna qabateynta hubka ee saaran

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale Golaha guud ee Qaramada Midoobey ugu baaqday in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo jeediyay Khudbadda Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa golaha ka dalbaday in Soomaaliya loo oggolaado in ay iibsato hub culus lagana qaado cunaqabateynta si ay uga adkaato Al-shabaab iyo Daacish.

“haddii noloo oggolaado in aan xoojinno hay’adaheenna amaanka,innaga ayaa yeelan doonna gacanta sarreysa,waxaana kala jebin doonnaa argagixisada,waliba waqti gaaban” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad oo Golaha ka hor hadlayay.

Mr Cawad ayaa golaha hortooda ka sheegay in Soomaaliya siyaasad ahaan ay hadda deggan tahay marka loo eego habka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada isugu raaceen nidaamka doorashada 2020 iyo sidoo kale isbeddelka dhaqaalaha dalka uu ka sameynayo isaga oo soo qaatay warbixinnada Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ay ka qareen Soomaaliya.

Cawad ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la taageero howlgalka Soomaaliya inta ay Soomaaliya kala wareegeyso amaanka dalka.