Somalia oo markii u horreysay dhoolatus milatari uga qayb-galeysa dalka dibaddiisa.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay burburka kadib dalka dibaddiisa uga qayb-galeyso carbis milatari oo weyn, sida uu shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo xalay kulan la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Danab ayaa sheegay inay Soomaaliya ku metali doonaan dhoolatus ka dhacaya dalka dibaddiisa, wallow uusan shaacin magaca waddanka uu ka dhacayo.

Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka laga soo xulay dhalinyaro gaar ah oo metali doono Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay inay guul usoo hooyaan dhammaan ciidamada kale.

Waxaa kale uu intaasi kusii daray “Nasiib wanaag sidoo kale waxaa tihiin rag dhalinyaro ah oo maanta carbiska ugu haboon”.

Sidoo kale waxa uu yiri “Waxa la’iska rabo waxaa waayey akhlaaq, adkeysi, dulqaad waxaa la’iska rabaa inaan la dhihin nimanka ka yimid Soomaaliya ciladdooda sidaan ahayd ama dhaqaaqi waayay”.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.