Madaxtooyadda Somaliland ayaa beenisay in uu jiro kulan dhexmari doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in uusan jirin kulan dhexmnari doona Farmaajo iyo Muuse, laakiin Safarkooda uu ku kooban yahay Casuumaad ay ka heleen Madaxda dalka Itoobiya.
Dhanka kale War kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu Caddeeyay in Madaxweyne Muuse Biixi uu la kulmi doono kaliya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
“Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Itoobiya” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada Somaliland .