Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Manta waxa uu cafis u fidiyay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsanaa Ciidamada soomaaliland,kuwaas oo ay sheegeen in lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.8
War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ee Hargeysa oo uu Warbaahinta u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa lagu sheegay in la siidaayay 14 Ruux oo ka mid ahaa Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq.
Soomaaliland ayaa ku sheegtay sababaha loo siidaayay Maxaabiistaas in Soomaaliland ay mar walba diyaar u tahay Nabada iyo fadliga Bisha Ramadaan,waxaana Cafiska Maxaabiistaan uu Madaxweyne Muuse Biixi ka sheegay munaasabadii 18kii Bishaan May ee Xuska gooni isu-taaga Soomaaliland.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Maxaabiista ay Soomaaliland cafiska u fidisay.
1: Cabdi Naasir Cismaan Cali
2: Cabdi Nuur Maxamed Cabdulle.
3:Â Maxamed Saciid Yuusuf
4:Â Cali Faarax Aadan
5:Â Maxamed Cabdi ceynab
6:Â Cabdi Xaafid Cabdullaahi Xalane
7:Â Xuseen Siciid Warsame
8:Â Cabdi Naasir Maxamed Nuur
9:Â Maxamed Abshir Aadan
10:Â Ibraahim Xasan Salaad
11:Â Axmed Maxamed Axmed
12:Â Siciid Ducaale Cali
13:Â Mahad Nuur Cali
14:Â Faarax Maxamed Cabdi.