Somaliland oo Deegaanadeeda ka ceyrisay dad u dhashay Sri Lanka

Maamulka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka masaafurinaya ku dhawaad 12 qof oo u dhashay Sri Land sidda laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha dibada dowladda Sri Land.

Somaliland ayaa Amar ku bixisay in dadkaasi ay ka baxaan degaanada Somaliland ka dib markii lagu eedeeyay in ay hareer mareen Sharciga Shaqaallaha Ajnabiga ah ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda  Sri Lanka ayaa shaacisay in muwaadiniinteeda ku sugnaa Somaliland ay lasoo xariireen,islamarkaana lagu Amray in ay ka baxaan degaanada Somaliland.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in Safaaraddooda Adis ababa ay kala shaqeyneyso Hay’adda IOM sidii dadkaas dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha dibada ayaa sheegay in aysan jirin ,safaarad,qunsuliyad iyo xitaa xafiis diblomaasi oo ay ku leeyihiin Somaliland maaddaama aan la aqoonsaneyn Somaliland.