Ciidamada ammaanka ee maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta gacanta ku dhigay haweeney muqaal ku faafisay baraha bulshada, ayada oo aflagaadeyneysa Ilaahey, falkaas oo dhaliyay caro xoogan.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in baadi-goob dheer, kadib lasoo qabtay haweeneydaasi oo lagu magacaabo Huda Cawaale Xirsi.
“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Huda Cawaale Xirsi oo dhawaan muuqaal ay faafisay caayaysay illaahay.!” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Dhanka kale taliska ciidanka Booliska Somaliland ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo kasoo horjeeda Diinteenna suuba.