Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay nin ilmo yar gaari marsiiyay.

Ciidamada ammaanka ee Somaliland oo sameeyay howlgal saacado badan qaatay ayaa gacanta kusoo dhigay nin darawal ah oo habeen hore fal argagax leh ka gaystay magaalo xeebeedka Berbera ee isla maamulkaasi, kadib markii uu si arxan darro ah u jiiray ilmo yar oo 9 sano jir ah, kadibna uu ka baxsaday goobta.

War kasoo baxay booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegaya in eedeysanaha oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Jaamac lagu qabtay isaga oo baxsad ah magaalada Burco.

“Eedaysane Maxamed Farxaan Jamac oo ahaa darewalkii waday baaburkii jiidhay ilmaha yar ee 9 jirka ah ayaa laga soo qabtay Magaaada Burco kadib markii uu baxsaday isla habeen hore” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay ciidanka Booliska Somaliland.

Inta uu howlgalkan uu socday ayaa waxaa lagu qabtay in ka badan 300 oo gaadiid ah oo ay isku nooc yihiin baabuurka shilka gaystay, si loo soo helo eedeysanaha hadda la qabtay.