Somaliland oo hanjabaad u dirtay Xasan sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyay xuska 18-ka May ee aas aaska Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan amniga iyo dagaalka Shabaab.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya aysan xilligan lahayn awood buuxda oo ay ku hanan karto amnigeeda, kulana dagaalami karto, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa carabka ku dhuftay, haddii ay ciidanka Itoobiya baxaan ay Al-Shabaab saacado gudahood ku qabsan karaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay “Itoobiya, haddii ay baxdo maxaa ku difaaceysaa, su’aasha ugu murunka badan ee uu caalamka is weydiinayo waa taas”.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu iska indho tirayo wixii dhacay 33-dii sano ee lasoo dhaafay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kacsanayd xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo dowladda federaalka, taas oo ka dhalatay heshiiska badda.