Somaliland Oo kahortimid heshiis Ay Kala Saxiixden Somaaliya iyo Midowga Yurub

31-dii Bishii la soo dhaafay ee Agoosto  waxaa heshiis Magalada Muqdisho ku kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya & Wafdi ka socday Midowga Yurub,heshiiskaas oo ku saabsanaa mashruuc loogu Magac daray Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Yariisow laguna dhisayo Wadooyinka ku yaalla Muqdisho & Berbera,hayeeshee heshiiska qeybta dhismaha Berbera ayaa waxaa kasoo horjeestay Soomaaliland.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorseynta  & Horumarinta Soomaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan Soomaaliland Wakiil uga aheyn taakuleynta Caalamka, isla markaana meel ka mid ah Soomaaliland aysan maamulin dowladda Federaalka mashruucna ka fulin Karin.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka oo aad u dheeraa ayaa waxaa lagu sheegay in marnaba Dowladda Soomaaliya aysan wax mashruuc ka ka fulin doonin deegaannada Soomaaliland,waxaana tallaabada heshiiska DFS & Midowga Yurub lagu sheegay in uu yahay mid ka hor imaanaya heshiiskii DFS iyo Soomaaliland ee Ankara & Jabuuti.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kazoo baxay Soomaaliland.