Somaliland Oo puntland Ku Eedeysay In Ay dhul kooda Ku Soo Xadgudbeen

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen Puntland oo Koontorool Ciidamadooda ku lahaayeen qeybta laga soo galo Magalada Garoowe u wareejiyay dhinaca Gobolka Sool, iyaga oo digniin u diray Maamulka Puntland.

Waarbaahinta ayay la hadleen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland,waxaana ay sheegeen in Puntland ay kusoo xadgudubtay dhul ay leedahay Soomaaliland gaar ahaan Aaga deegaanka Bixin oo Ciidamada Puntland ay Bar koontorool Cusub soo dhigteen.

Waxaa ay Puntland u qabteen in mudo Saddex Cisho gudahood ay ay ciidamadooda uga saaraan deegaanka Bixin iyo deegaanada kale, iyaga oo ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan hadii aysan Puntland fulin weyso codsigooda.

Hadalkaan kasoo yeeray Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool ayaa imaaneysa xilli weli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Sool oo horay ay ugu wada  dagaalamay.