Somaliland oo shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso,

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah, arroornimadii hore ee maanta.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo sida la fahamsan yahay si toos ah ugu socda beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagaxisada oo qorsheynayay weerar is-miidaamin ah ayaa walxihii ay siteen ku qarxeen tuullada Sii-xawle.