Somaliland Oo Sheegay in Ay sii daayeen Maxabiis Ay kuqabteen Dagaalkii Tukaraq

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen wiil dhalinyaro ah oo ka tirsanaa ciidamada Puntland,kasoo lagu qabtay dagaalkii maalmihii lasoo dhaafay ka socday degaanka Tukaraq.

Taliyaha ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Difaaca Somaliland ayaa sheegay in wiilkaasi yar ay sii daayeen,islamarkaana ay ku wareejiyeen hooyaddiisa oo lagu Magacaabo Sacdiya Cabdi Maxamuud.

Somaliland waxa ay sheegtay in wiilkaasi da’diisu ay tahay 14 sano jir.

Somaliland waxa ay sheegtay in ay sii deyn doonto cidwalba oo dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Tukaraq lagu qabtay,kuwaasoo ah Carruur iyo waayeel.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay Somaliland ee ah in ay sii daayeen wiil yar oo ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq.