Laamaha ammaanka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa waxa ay ka qabteen Laba Wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa wuxuu sheegay ragga la qabtay inay kala yihiin wasiirkii hore ee Waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer (Ibraahim Sacab) iyo Wasiirkii Caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi.
Masuuliyiintan oo maalinkii Koowaad ee Ciidul Adxaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ayaa si dhuumaleysi ah Hargeysa waxa ay ka galeen dhinaca Wajaale, waxayna Hargeysa ku sugnaayeen mudo todobaad ah.
Somaliland ayaa sababta ay u heysato masuuliyiintan waxa ay ku sheegtay in ay si dhuumasho ah ku soo galeen iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka uga duulaan si dhuumasho ah.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in xubnahan ay ku sii jeedeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasi oo ay kula kulmi rabeen masuuliyiin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.