Somaliland oo war kasoo saartay qaraxii Buuhoodle

Hargeysa-RisaalaFM- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si kulul uga hadlay qaraxii xalay fiidkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa tacsi u diray ehelada dadkii dhimashada iyo dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi, kadib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Wasiirki hore ee arrimaha gudaha maamulka khaatuma Axmed Maxamuud Doolaal iyo Cabdifataax Maxamed Cali oo la taliye u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Muuse Biixi ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan buuxa ku sameeyaan sida wax u dhaceen, islamarkaana gacanta ku soo dhigaan cidii ka dambeysay falkaas argagagax ku abuuray bulshada Buuhoodle.

Somaliland ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Xukuumadda Somaliland aanay marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda waxyeelo, dhibaato iyo falal amni daro ku qaado shacabka Somaliland.

Waa qarixii ugu horeeyay nuuciisa ee ka dhaca magaalada Buuhoodle, waxaana aad u hadal haya dhacdadan dadka shacabka ah, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Somaliland.