Somaliya oo cadeysay aragtideeda Khilaafka Dowladdaha Masar iyo Ethiopia.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley khilaafka xoogan ee u dhaxeeya dowladaha itoobiya iyo Masar,kuwaas oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya iskuna heysta wabiga Nile.

Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood,kaas oo horey Wadamada Jaamacadda Carabta ay si cad u taageereen Dowladda Masar.