Somaliya oo ka qayb gashay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo looga hadlay Arrinta Qudus

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa soo gabagabeeyay socdaal shaqo oo uu ku joogay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ay kaga tashanayeen waxa ka dhashay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku aqoonsaday Magaalada Qudus “Jerusalem” inay tahay caasimadda Israel, waxaa kulanka Golaha Wasiirada Carbeed ka hadalka ajandahaasi soo gudbisay Dowladda Falastiin “Palestine”.

Shirguddoonka Golaha oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti H.E. Mahamoud Ali Youssouf ayaa markale ku dhawaaqay diidmada wadamada carbeed ee go’aanka Trump.

Kulanka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay dib ugu qiimeynayeen xaaladda Qudus, waxa ayna isla garwaaqsadeen in Qudus ay abid ahaato Caasimadda reer Falastiin.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu booqday Carwada buugaagta ee Qaahira, isaga oo daalacday buugaagta ay soo bandhigayeen dad maskax maal ah oo ka soo jeeda wadamada Soomaaliya, Masar, Libya, Isutagga Imaaraatka Carabta iyo kuwa kale.