Soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Socota Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa lagu wadaa in uu gaaro Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal,waxaana halkaasi laga dareemayaa diyaar garowga soo dhaweyntiisa.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa markii uu garoowe tago waxa uu ka qeyb geli doonaa Sanadguuradii ka soo wareegatay Markii la Aas’Aasay Maamulka Puntland taas oo ku beegan 1-da Bisha Agoosto.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd,waxana la filayaa in uu la kulmo Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Magalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar Puntland.

Maalmo ka hor ayaa waxaa Magalada Garoowe gaarey wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha kuwaas oo isugu jira, xildhibaano iyo qaar ka mid ah howlwadeena Xafiiska ra’iisul Wasaaraha