Soo dhoweynta Madaxweyne Xaaf oo ka socota Dhusomareeb.

Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ka socda diyaar garoow loo sameynayo soo dhoweynta Madaxweynahii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Masuuliyiinta Galmudug iyo Qeybaha Bulshadda ayaa si wada jir ah iyaga oo wata Gaadiidkooda uga baxay Magaaladda Dhusomareeb si ay usoo dhoweeyaan Madaxweyne Xaaf oo saaka isaguna kasoo baxay Magaaladda Galonsoor ee Gobolka Galgaduud halkaa oo xalay uu ku hoyday.

Xaaf ayaa waxa socdaalkiisa ku wehliya Xillibaano ka tirsan Labadda Aqal ee Barlamaanka Somaliya kuwaa oo dhowaan gaaray Gaalkacyo si ay isugu soo dhoweyaan Madaxweyne Xaaf iyo Madaxda cusub ee Galmudug.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Munaasabad kooban oo Xaaf uu xilka ku wareejinayo lagu qabanayo Dhusonareeb madaama ay suurta gali weysay in ilaa hadda in la qabto Caleemasaarkii weynaa ee Madaxda Galmudug sababo la xariira in Dowladda Somaliya joojisay isku imaadka ama Kulamadda taa oo looga gol leeyahay ka hortaga Cudurka faafa ee Coronovirus