Soomaali Dab ku Qabsaday guri ku yaalla Mareykanka

Dab qabsaday guri ku yaalla Gobolka Massachusetts ee dalka Mareykanka oo ay deganaayeen Soomaali ayaa waxaa ku dhintay Dabkaasi ilaa Saddex qof oo Soomaali ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Guriga oo ka koobnaa Afar Dabaq ayaa dadka dhintay waxa ay kala yihiin Aabe iyo Labadiisa wiil oo Soomaali ah kuwaas oo deganaa dhismaha uu Dabka qabsaday.

Imaamka Masaajidka xaafada uu Dabka ka kacay oo lagu magacaabo Wisaam Cabdul Baaqi ah ayaa sheegay in Odayga uu u gurmaday wiilasha oo ku jiray gudaha Guriga, balse isaga laftirkiisa uu ku dhintay Dabkaasi.

Marwada reerka oo dhashay labada Wiil ayaa waxa ay ka badbaaday Dabka, waxaana iyada oo dhaawac ah lagu dabiibayaa Isbitaalka Magaalada, iyada oo dhaawaceeda uu yahay mid culus.

Saraakiisha Gaadiidka Dab damiska oo goobta tagay ayaa waxa ay sheegeen in Dabaqa Saddexaad ay ka soo boodeen Haweeney iyo Wiil yar, kuwaasi oo uu dhaawac soo gaaray.

Hay’adaha ammaanka weli kam aanay hadlin sababta ka dambeysay Dabkan kacay, balse waxaa socdo baaritaano dheeraad ah, oo lagu ogaanayo dhibaatada dhacday, taasi oo ay wadaan Ciidamada Booliska.