Soomaali dib loogu soo celiyay dalka

Gelinkii dambe ee maanta ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo degtay diyaarad siday 83 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo laga soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Dhalinyaradan laga soo celiyay dalka Mareykanka oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo eheladooda ayaa waxaa Dumar ka ahaa 4, halka 79-ka kalena ay yihiin Rag.

Soo tarxiilida dhalinyaradan ayaa waxa ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gashay Safaaradda Soomaaliya ee Washington markii uu safiirka ahaa Danjire Axmed Ciise Cawad oo hada ah Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Dhalinyaradan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen mudo kadib in ay ku faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada dalkooda, waxayna dowladda federaalka ka codsadeen inay shaqo abuur u sameyso.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Mareykanka ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan in dalka dib loogu soo celiyo Dhalinyaro xaalad amni daro darteed u baqaya.

Tan iyo intii uu Aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, Soomaali badan ayaa lagu soo celiyay Soomaaliya, arrintaas oo ah xaajo ugub ah, islamarkaasna aanan horay uga dhicin Mareykanka.