Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu kulahaa magaalada Cape Town.
Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadinkaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee sida weyn looga yaqaanay magaaladaasi.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqiinay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.
Kooxda burcadda ah ayaa sidoo kale waxay dhac u geysteen dukaanka marxuum Maxamed Adeeroow, iyaga oo intaas kadib iskaga baxsaday goobta.
Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.
Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.