Soomaaliland Oo Sheegtay in Ay Gacanta Ku Dhigtay Gawaari Lagala Soo Baxsaday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku hayaan gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dadkii la socday halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay rabshado ka jireyn.
Wasiir kuxigeenka Amniga ee Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in deegaanada xaduudka ah ee Togwajaale ay ku qabteen gawaari gaaraya Afar oo lagala soo baxsaday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay weli rabshado ka jiraan.
Waxa uu sheegay Wasiirku in Soomaaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen.
Sidoo kale  waxa uu Wasiir ku xigeenku ka hadlay saameynta ay ku yeelatay Soomaaliland rabshadaha ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya maadaama Ganacsi uu kala dhaxeeyo.
Rabshadaha ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah walow maanta lagu soo waramayo in xaaladu ay tahay mid degan.