Soomaaliya ayaa Heshiis Milatari la saxiixatay Boqortooyada Sucuudiga.

Muqdisho / Riyaad – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabo istaraatiiji ah qaaday kadib markii ay heshiis iskaashi militari la saxiixatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, xilli ay sii xoogeysanayaan loollanka siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay magaalada Riyaad, waxaana kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan. Ujeeddada heshiiskan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo iskaashiga difaac, tababar militari iyo danaha istaraatiijiga ah ee labada dal.

Tallaabadan ayaa imaaneysa wax ka yar bil kaddib markii Soomaaliya ay heshiis difaac la saxiixatay Dowladda Qatar, taasoo muujineysa dadaal ballaaran oo ay Muqdisho ku doonayso taageero goboleed iyo mid Carbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrimahan u aragta kuwo si toos ah ula xiriira aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland bishii Diseembar, taas oo sare u qaadday xiisadaha gobolka. Muqdisho ayaa ka digtay in Israa’iil ay qorsheyneyso in saldhig militari ka sameysato Somaliland, arrin ay Soomaaliya si adag uga hortimid.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay isdifaacdo, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin faragelin militari oo shisheeye.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa dhawaan joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyadoo ku eedeysay falal lid ku ah midnimada dalka. Tallaabadan ayaa si weyn loogu fasiray inay qayb ka tahay isbeddel ballaaran oo ku yimid siyaasadda dibadda ee Soomaaliya.

Khubarada arrimaha gobolka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay haatan qaadayso istaraatiijiyad cusub oo ku dhisan xulafeysi, si ay u difaacdo madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo danaha qaranka.