Soomaaliya iyo Algeria Oo Xoojinaya Iskaashiga Amniga

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Algeria ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalkaasi mudane Saciid Sacyuud oo ay wehliyaan Taliyaha guud ee Amniga Qaranka Dalka Aljeeriya Badaawi Iyo Safiirka cusub ee dowlada Aljeeriya usoo magacaawday Dalka Soomaaliya Danjire Maxamed Calim, waxaa kale oo kulanka qeyb ka ahaa Safiirka JFS Dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axmed Xasan ( Yusuf Jeego).
Wadahadallada labada Wasiir Arrimo gudo ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa diiradda lagu saaray; xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, dib-u-heshiisiinta, xasilloonida, dowlad-dhiska heer deegaan iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dowladnimada labada dal.