“Soomaaliya iyo Aljeeriya oo Xoojinaya Iskaashiga Garsoorka iyo Caddaaladda

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Shacbiga Dimuqraadiga ah ee Aljeeriya, Mudane Sifi Ghrieb.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, adkeynta iskaashiga laba geesoodka ah, iyo horumarinta wada shaqeynta dhinacyada garsoorka, caddaaladda iyo is-dhaafsiga khibradaha. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda iskaashiga ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dan wadaag.
Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo martigelinta heerka sare ah ee loo fidiyey asaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in kulankan uu xoojinayo saldhigga xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.