Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wada hadlay tababarrada suxufiyiinta iyo casriyeynta warbaahinta qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta dalka Azerbaijan, Mudane Ahmad Ismayilov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, tababarrada xirfadeed iyo horumarinta adeegyada baahinta.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliyeed, gaar ahaan suxufiyiinta, sawir-qaadayaasha, duubayaasha muuqaalada, tifaftirayaasha, soo-saarayaasha barnaamijyada iyo farsamayaqaannada ka shaqeeya warbaahinta.

Labada dhinac ayaa isla eegay fursadaha lagu horumarin karo tababarrada xirfadeed, hagidda shaqaalaha warbaahinta iyo is-weydaarsiga khibradaha, si loo xoojiyo tayada shaqada warbaahinta Soomaaliyeed loona waafajiyo horumarka tiknoolajiyadda casriga ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay dijitaaleynta keydka taariikhiga ah ee Soomaaliya, si loo ilaaliyo xogaha iyo agabka taariikhiga ah ee dalka, loona casriyeeyo hababka loo keydiyo, loo maareeyo, loona heli karo xogtaas si ay uga faa’iidaystaan jiilasha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa helitaanka qalabka casriga ah ee baahinta iyo xoojinta awoodda wax-soo-saarka Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo hay’adaha kale ee warbaahinta qaranka.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha Golaha Warbaahinta Azerbaijan ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada qalabka warbaahinta, khibradda farsamo iyo taageerada ay hay’adaha ku shaqada leh warbaahinta ee dalka Azerbaijan ka geysan karaan horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa muhiim u ah dadaallada lagu tayeynayo adeegyada warbaahinta qaranka, kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha iyo casriyeynta qalabka iyo hababka baahinta, si warbaahinta Soomaaliyeed ay u yeelato awood wax-soo-saar oo tayo leh.