Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Hindiya, kaas oo ay hoggaaminaysay Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan Arrimaha Baasaboorrada, Fiisayaasha iyo Dadka Hindiya ee Dibadda ku nool (CPV & OIA), Marwo Sripriya Ranganathan.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo labada dhinac ay fursad u heleen inay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah danaha labada dal iyo horumarinta xiriirkooda.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdiga Hindiya ayaa si gaar ah uga wada hadlay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood, kaas oo ku dhisan iskaashi iyo xiriir diblomaasiyadeed oo soo jireen ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada danta guud, isla markaana loo abuuri lahaa fursado cusub oo lagu horumarin karo xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Wafdiga Hindiya ayaa dhankooda kulanka kula wadaagay muhiimadda ay siinayaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen danahooda ku aaddan sii wadista wada-hadallada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo ay ku ballaarinayso xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo helo fursado cusub oo wax ku biirin kara danaha qaranka iyo horumarka dalka.