Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Kulankan, oo saacado badan socday, ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in lagu saleysan yahay War-Murtiyeed wadajir ah oo shirka ka soo baxay. Heshiiskan ayaa meesha ka saaray dhammaan khilaafaadkii jiray, gaar ahaan heshiisyadii muranka dhaliyay, waxaana lagu tilmaamay arrimo taariikh tagtay. Labada dal ayaa u bilaabanaya bog cusub oo ku saleysan is-qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
War-Murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in heshiis kasta oo labada dhinac dhex mara uu khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha, oo ku koobnaan doona ganacsiga, waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha. Habkan ayaa lagu saleyn doonaa dhowrista qaranimada, madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si mug leh ugu mahadcelisay Madaxweyne Erdogan, shacabka, iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalka ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaradda ka taagneyd Geeska Afrika.
DHAMMAAD