Soomaaliya iyo Masar Oo Xoojinaya Iskaashiga Batroolka iyo Khayraadka Macdanta

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Mohamed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Egypt, oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika, Mohamed Karim Fouad Khanif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ee dhinacyada batroolka iyo khayraadka macdanta, iyadoo si gaar ah looga hadlay dhisidda awoodda hay’adaha dowladda, tababarrada farsamada, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta labada dal.

Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay khayraad dabiici ah oo ballaaran oo u baahan in si hufan loo maareeyo loogana faa’iideysto, isagoo xusay in iskaashiga caalamiga ah uu muhiim u yahay horumarinta waaxda tamarta iyo kheyraadka dalka.

Dhankiisa, wafdiga Masar ayaa muujiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iskaashi ee kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta khibradaha farsamada iyo taageerada hay’adaha la xiriira batroolka iyo macdanta.

Labada dhinac ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah si loo gaaro horumar waara, loona xaqiijiyo ka faa’iideysi hufan oo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.