Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Muwaadiniinta Mauritania ee Dibadda, Mudane Maxamed Saalim Marzuuq, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Mauritania.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Mauritania, Amb. Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mauritania, iyagoo isla qaatay in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada muhiimka u ah labada dal.
Gabagabadii kulanka, Soomaaliya iyo Mauritania ayaa kala saxiixday saddex heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu horumarinayo iskaashiga labada dowladood. Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya arrimaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, horumarinta kalluumeysiga, iyo iskaashiga dhinacyada batroolka iyo waxbarashada.
Mas’uuliyiinta labada dal ayaa tilmaamay in heshiisyadan ay fure u yihiin xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo amni, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan horumarinta danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Mauritania.