Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo adkeeyay iskaashiga amniga iyo taageerada ajandaha dalka

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Danjire Bankole Adeoye.

Kulanka ayaa daba socday shir ay guddoominaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray ilaalinta guulaha laga gaaray amniga dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbixin ku saabsan horumarradii ugu dambeeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, isaga oo sidoo kale ka hadlay natiijooyinka ka dhashay kulanka iyo muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada socda.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay sii xoojiyaan iskaashigooda, isla markaana ay yeeshaan mowqif mideysan oo lagu taageerayo ajandaha Soomaaliya, kaas oo ay hoggaaminayso Dowladda Federaalka.

Waxay sidoo kale muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha laga gaaray amniga dalka, lana sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dhinac si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhinacyada nabadda, amniga iyo dowlad-dhiska Soomaaliya ah.