Soomaaliya iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Dhinacyada Amniga iyo La-dagaallanka Maandooriyaha

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda La-dagaallanka Maandooriyaha ee Pakistan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga gudaha iyo fulinta sharciga la-dagaallanka mukhaadaraadka, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay is-weydaarsiga xogta, khibradaha, iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee labada dal.

Wasiir Cali Yuusuf Cali ayaa la socday General Cusmaan Cabdullaahi Maxamed, Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo dhanka Soomaaliya uga warbixiyay dadaallada socda ee la xiriira la-dagaallanka maandooriyaha iyo xoojinta amniga gudaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa tababarada, farsamooyinka casriga ah iyo hababka casriyeynta hay’adaha amniga, si loo hubiyo waxtarka iyo hufnaanta howlaha la xiriira ilaalinta amniga shacabka iyo la-dagaallanka dambiyada la xiriira mukhaadaraadka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Pakistan u fidiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in iskaashigan uu kaalin mug leh ka qaadan doono dadaallada dowladda ee ku aaddan sugidda amniga, dhismaha hay’adaha awoodda leh, iyo horumarinta awoodda la-dagaallanka maandooriyaha.

Kulanka ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay labada dal uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, xog-wadaagga, iyo tababarrada farsamo ee kor u qaadaya awoodda hay’adaha amniga ee Soomaaliya.