Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan Magaalada Doxa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Qatar ahna Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Khalid bin Mohammad Al Attiyah.

 

labada mas’uul ayaa ka wada-hadalay xoojinta xiriirka & Iskaashiga Soomaaliya & Qatar gaar ahaan labada wasaaradood.

 

Wasiirka Gaashaanshigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaauga mahadceliyaymartiqaadka & soodhaweynta Maamuuska sare leh ee loogu sameeyay dalka Qatar.

 

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana sifaar ah 5-tii sano ee la soo dhaafay ay u taageereysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.