Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa la kulmay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya o booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa waxaa ay hadleen xoojinta xiriirka & Iskaashiga labada dal iyo dib u furista safaaradda Sacuudiga ee Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiran.
- Wafdiga ayaa uga mahad celiyay Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soo dhawyenta loo sameeyay, iyaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyan dowladda Soomaliya.