Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dardar gelinta wada-hadallada DFS & Somaliland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa kullan muhiim la qaatay Safiirka Dowladda Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almuwallad, kullanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labad Dal iyo derdergalinta wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Mudane Guuleed ayaa Safiirka uga warbixiyay halka ay marayaan dedaalada lagu xoojinayo wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ay Dowladda uga go’antahay xal u helidda Arrimaha Somaliland.

Dhankiisa Safiirka ayaa muujiyay in ay Dowladda Sacuudiga diyaar u tahay garab istaagga iyo taageeridda ka gun-gaarista wadahadallada Dowladda Soomaaliya  iyo Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalo lagu dardar gelinayo wada-hadallada Somaliya iyo Somaliland, iyada oo kala tashaneysay Beesha Caalamka