Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Heshiis Kala Saxiixday

Dalka Shiinaha waxaa ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaaahi Farmaajo iyo Wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaminayo,kuwaas oo ka qeyb geli doona Shirka Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan uu la yeeshay dhigiisa shiinaha waxa qeyb ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada iyo ganacsiga Soomaaliya,waxana halkaasi lagu kala saxiixday heshiis.

Heshiiska ayaa ahaa mid  isfaham oo ku saabsan Hindisaha Dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee labada dal,waxaana saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya ku yaboohday dhaqaale lagu taageerayo amniga, gargaarka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Saacadaha soo socda Maanta oo Jimce ah ayaa la filayaa in Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo furmo,kaas oo wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ay ka qeyb gli doonaan.