Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Xasan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, kulan kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo horumarinta barwaaqo-wadaagga ee u dhexeeya labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha lagu ballaarin karo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, dhiirrigelinta maalgashiga shisheeye, horumarinta warshadaha gudaha, iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah ee ay Soomaaliya iyo Shiinuhu danaha ka wadaagaan, taas oo muujinaysa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee sii kobcaya ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka faa’iidaysiga khibradda iyo awoodda warshadeed ee Shiinaha, si loo horumariyo wax-soo-saarka dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona xoojiyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta ganacsiga caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi waara.

Dhankiisa, Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, ayaa muujiyay diyaar garowga Dowladda Shiinaha ee ku aaddan taageeridda horumarka dhaqaale ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi ku dhisan is-ixtiraam, dan-wadaag iyo horumar waara.

Gabagabadii kulanka, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada ganacsiga, warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ay ka faa’iideystaan shacabka labada dal, isla markaana loo sii adkeeyo xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.