Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Yaşar Güler, intii uu socday Bandhigga Warshadaha Difaaca SAHA 2026 oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, tababarrada ciidanka, iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta muuqata ee ay ka qaadato dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada, taas oo muhiim u ah xoojinta amniga iyo xasilloonida dalka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dal, si loo gaaro ujeeddooyin wadajir ah oo la xiriira la dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Mudane Yaşar Güler, ayaa adkeeyay sida Dowladda Turkiga ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta, iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha amniga. Waxa uu sidoo kale xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid ku dhisan saaxiibtinimo qoto dheer iyo iskaashi istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha cusub ee iskaashi ee ka dhalan kara horumarinta warshadaha difaaca, iyo sidii labada dal ay uga wada shaqeyn lahaayeen hal-abuurnimo iyo is-weydaarsi khibradeed oo dhanka milatariga ah.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo iskaashi buuxa, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo muhiim u ah amniga gobolka iyo horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.