Soomaaliya iyo Turkiga oo ku hishiiyay arimo badan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale yeeshay wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wada-hadalladan ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo isku arkay caasimada dalka Gambia ee Banjul, halkaa soo uu ka socdo shirka waddamada Islaamka.

Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda iyo xiriirka labada dhinac oo ah sii xoogeysanayay sanadihii lasoo dhaafay.

Saalax iyo Fidan ayaa sidoo kale ku ballamay in la xoojiyo in la xoojiyo Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo  Waxbarashada oo ay iska kaashanayeen labada dowladood.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah horumarinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan oo soo billowday  sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay labada dowladda galeen heshiisyo muhiim ah oo ugu horreeyo kan difaaca biyaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaalama Al-Shabaab.