Soomaaliya: Khabiirka QM wuxuu ku boorinayaa tallaabooyin dheeraad ah si loo xoojiyo maamul wadaag ah, xuquuqda aadanaha, iyo isla xisaabtan.

JENEVA (9 Maajo 2024) – Dowladda Soomaaliya waa inay xoojiso dadaallada lagu xallinayo caqabadaha amni ee culus iyo kuwa murgsan ee waddanka ka jira, isla markaana ay adkeyso habraacyada baarista iyo maxkamadeynta kiisaska la xiriira rabshadaha jinsiga iyo kuwa ku saleysan galmada, sida uu maanta sheegay khabiir dhanka xuquuqda aadanaha ee QM.

“Rayidka, gaar ahaan dumarka iyo carruurta, ayaa sii wada inay noqdaan kuwa ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto weerarada halista ah ee ay fuliyaan argagixisada Al-Shabaab iyo ciidamo kale,” ayay tiri Isha Dyfan, Khabiirka Madaxa-bannaan ee xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. “Hawlgallada milatari ee wadajirka ah ee ay fuliyaan ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo maleeshiyaadka qabaa’ilka deegaanka ayaa sidoo kale saameyn ku leh dadka rayidka ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha,” ayay ku sheegtay hadal ay jeedisay intii lagu guda jiray booqashadeedii saddexaad ee rasmi ah ee dalka.

“Inta aan soo dhoweynayo qorshaha dowladda ee amniga qaranka sanadaha soo socda, waxaan ku boorinayaa masuuliyiinta inay si taxaddar leh u maareeyaan marxaladda kala guurka amniga si looga hortago rabshado iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha.”

Dyfan ayaa sheegtay in rabshadaha jinsiga iyo kuwa ku saleysan galmada, gaar ahaan eedeymaha naxdinta leh ee kufsiga iyo kufsiga kooxaha ah oo lagu daray dilalka oo inta badan la sheego inay dhacaan, loo baahan yahay in si wax ku ool ah loo wajaho, isla markaana la hubiyo in dembiilayaasha lagu eedeeyay la aqoonsado lana horkeeno caddaaladda.

“Waa in la qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo awoodda baarista iyo maxkamadeynta rabshadaha jinsiga iyo kuwa ku saleysan galmada, iyo in la dhiirrigeliyo jawi ammaan ah oo ay dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday dembiyada ay ku soo wargelin karaan dambiyada iyaga oo aan ka baqayn aargoosi ama ceeb, lana hubiyo in dhibanayaasha la ilaaliyo lana siiyo marin u helka caddaaladda iyo daaweyn wax ku ool ah,” ayay tiri khabiirada “Waxaan si weyn uga walaacsanahay xaddidaadda sii socota ee ku saabsan booska rayidka, oo ay ku jiraan handadaad, xarig aan sharci ahayn, xabsi iyo xiritaanka suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta taasoo keenta is-xakameyn. Boos ammaan iyo mid lagu soo dhoweeyo ayaa muhiim u ah maamul wanaagga, sharciga, waxayna ka caawin kartaa yareynta iyo ka hortagga rabshadaha.”

Dyfan waxay ammaantay horumarka sharci dejinta, oo ay ku jirto codsi guuleystay oo lagu sameeyay wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.