Soomaaliya oo Daahfurtay Faraca Global ACE si Loo Xoojiyo Amniga Saaybarka (Cybersecurity) Qaranka.

Soomaaliya oo Daahfurtay Faraca Global ACE si Loo Xoojiyo Amniga Saaybarka Qaranka.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Jaamacadda SIMAD, iyagoo iskaashi la leh Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Faraca Soomaaliya ee Xarunta Shahaadooyinka Caalamiga ah ee Amniga Saaybarka (Global Accredited Cybersecurity Education – ACE), taas oo ah hindise muhiim ah oo lagu horumarinayo awoodda qaranka ee difaaca amniga internet-ka, iyadoo la adeegsanayo halbeegyo iyo shahaadooyin caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Munaasabadda daahfurka oo lagu qabtay xarunta SIMAD Town Campus ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka socday Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Jaamacadda SIMAD, iyo Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, kuwaas oo si faahfaahsan u soo bandhigay qaab-dhismeedka iyo ujeeddooyinka Global ACE ee laga hirgelinayo Soomaaliya.

Maamulaha Guud ee Hay’adda Amniga Saaybarka Malaysia, Mudane Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudin Abdul Wahab, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in furitaanka Cutubka Qaranka ee Soomaaliya uu muujinayo is-afgarad iyo ballanqaad wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada iyo tababarka amniga saaybarka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Global ACE uu gacan ka geysan doono soo saarista xirfadlayaal leh aqoon, anshax, iyo diyaargarow sare, kuwaas oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah isla markaana leh aqoonsi caalami ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariim Muxyadiin, ayaa sheegay in jaamacaddu ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso martigelinta iyo hirgelinta barnaamijyada Global ACE, isaga oo xusay in hindisahani uu xoojinayo himilada jaamacadda ee bixinta waxbarasho tayo sare leh oo la jaanqaadaysa baahiyaha dhijitaalka ah ee casriga. Waxa uu tilmaamay in barnaamijku uu fursado muhiim ah u abuurayo ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, ayaa adkeeyay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay dhismaha nidaam qaran oo amni saaybar oo adag, isaga oo sheegay in Global ACE uu door weyn ka qaadan doono horumarinta awoodda xirfadeed, xoojinta kalsoonida nidaamka dhijitaalka ah, iyo taageeridda koboca dhaqaalaha ku dhisan teknoolojiyadda.

Global ACE waa nidaam shahaado-bixin caalami ah oo madax-bannaan, laguna horumariyay iskaashi u dhexeeya dowlado, hay’ado teknoolojiyadeed, iyo xarumo tacliineed, isla markaana waafaqsan halbeegyada caalamiga ah. Iyada oo Jaamacadda SIMAD ay martigelinayso Cutubka Qaranka ee Soomaaliya, barnaamijku waxa uu taageeri doonaa shahaado-bixin, tababbarro xirfadeed, iyo barnaamijyo kobcin awoodeed oo loogu talagalay ardayda, xirfadlayaasha, iyo khubarada ka shaqeeya amniga saaybarka.