Soomaaliya oo Garab Istaag Buuxa u Muujisay Dowladda Qatar

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa iyo taageero u muujisay Dowladda aan walaalaha nahay ee Dowladda Qatar, kaddib dhacdo ka dhacday xarun gaas oo ku taalla Aagga Warshadaha ee Ras Laffan.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula socoto xaaladda ka dhalatay dhacdadaasi, isla markaana ay muujinayso midnimo iyo taageero ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar xilligan.

Wasaaraddu waxay adkaysay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo xustay in labada dal ay wadaagaan xiriir walaaltinimo iyo iskaashi ku dhisan is-ixtiraam iyo taageero joogto ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay kalsoonida ay ku qabto awoodda Dowladda Qatar ee wax ka qabashada xaaladdan, iyada oo bogaadisay dadaallada ay mas’uuliyiinta dalkaasi ku xaqiijinayaan badbaadada iyo xasilloonida.

Soomaaliya ayaa u dirtay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda farriin muujinaysa taageero iyo garab istaag, iyadoo rajaynaysa in xaaladda si degdeg ah loogu xalliyo, isla markaana la ilaaliyo ammaanka iyo badqabka dadka iyo xarumaha muhiimka ah.